Ciidamadda Maamulka Puntland oo dad usoo qabateen dilka Taliyiha Booliska Galdogob

Galdogob-(Caasimadda Online)-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka goboleedka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ay gacanta ku soodhigeen askartii ka dambeysay dilka Taliyihii Booliska Degaanka Galdogob ee Maamulka Puntland.

Xalay ayay ahayd markii ay Ciidamo ka mid ah Booliska Puntland ay ku toogteen Gaashaanlle C/Xamiid Warsame degaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ragga dilka geystay gacanta lagu soo dhigay sharcigana lagu wareejinayo si loo waafajiyo caddaaladda.

gudoomiye Khaliif ayaa ka  gaabsaday in uu ka hadlo sababta loo dilay Taliyaha waxa uuna hadalkiisa  ku soo gaabiyay in uu socdo baaritaan ay waddo laanta dambi baarista ee maamulka Puntland lana geyn doono Raggaasna Maxkamad.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com