R/wasaare Kheyre oo maanta Khudbad ka jeedin doona Shirka Dhaqaalaha Aduunka

Swezerland-(Caasimadda Online)-Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Maanta uu R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka hor jeedin doono  madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Swezerland.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu shirka ka dib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo loo arko in uu yahay Dalka Dihin kuna fiican Maalgashi dhaqaale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com