Shacabka ku nool Degmada kaaraan oo maanta banaanbax dhigay iyo suuqa oo xeran.

Banaanbax looga soo horjeedo ciidamo ka tirsan militiriga soomaaliya ayaa waxaa uu ka socdaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Dibad baxaan ayaa waxa uu ka socdaa Degmada Kaaraan iyadoo Dadweyne ka Carooday Dil shalay ka dhacay degmadaasi,islamarkaana ay dilkaasi  geysteen Ciidanka Dawlada Soomaaliya.

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogaa hakad galay isu socodka dadka iyo Ganacsiga suuqa,waxana taasi loo sababeynayay in halkaasi ay isku heysteen maleeshiyad hab beel u abaabulan oo wada dagaalamay.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa ganacsato ayaa dalbanayay in dhibaatooyinka ka jira halkaasi laga qabto maadama uu dagaalka dhexmarayay maleeshiyaadkaas ay waxyeelo ka soo gaaratay qaar ka mid ah Ganacsatada,islamarkaana uu xirmay ganacsigoodii.

xaaladda suuqa ayaa caadi kusoolaabatay kadib markii uu goobta soogaaray Gudoomiyaha degmada Karaan Cabdi fitaax Nuur  Cali waxa uuna dibadbaxayaashii  kuna qanciyay in ay joojiyaan banaanbaxa rabshadaha wata isla markaana laxalin doono tabashadooda.