Ciidamo aad u careysan oo Boosaaso ku go’doomiyey mas’uuliyiin ka tirsan P/Land

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo careysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la wareegeen gacan ku heynta xarun wasaaradeed oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamadan oo gadood ka sameeyey Boosaaso ayaa la wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ay ka cabanayaan arrimo la xiriira mushaaraad ka maqan muddo dhowr bilood ahg, taas oo keentay inay la wareegaan dhismaha wasaaradda, sida ay warbaahin u sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu xarunta ay ku xayireen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas, iyaga oo ku amray in aysan ka bixi karin halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan xiisadaasi ka taagan bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ay xireen dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegaan xarun wasaaradeed oo uu leeyahay maamulkaasi.