Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta qalqal uu galay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo gaar ah oo afka u duuban yahay ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada, sida masuuliyiinta maamulka Ahlu sunna iyo kan dowlada ay sheegeen.
C/raxmaan Maxamed Al-ansaari oo kamid ah saraakiisha Ahlu sunna oo ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay in arintaasi ay sababi gaartay in dagaal uu ka dhaco degmada Garbaaharey.
“Garoonka garbahaarey diyaarad ayaa kasoo degtay, waxaa saarnaa niman afduubnaa, meesha markey kasoo dageen waa loo kala baxay, waxay sheegeen in madaxtooyada laga soo diray, oo lix ayay ahaayeen” ayuu yiri Al ansaari.
“sidaasi oo kale inaysan dhicin ayaa wanaagsan, oo ciidamada laga warqabaa, sababtoo ah dagaal haddii uu dhici lahaa dhib ayay ahaan laheyd”ayuu hadalkiisa kusii daray Al-ansaari.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Soomaaliya oo ay ku sheegayaan amaay ku cadeynayaan in ciidamadaasi ay u direen magaalada Garbahaarey, maadaama askarta la qabtay ay sheegeen in dowlada Soomaaliya ay ka tirsan magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]