Abaaleey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abaaleey ee saaran xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan Militariga Dowladda Soomaaliya ay halkaas ku laayeen dad Shacab oo Baaraleey ahaa.
Ciidamada dadkaan Shacab ah ku laayeey Abaaleey ayaa lasoo sheegayaa inay wateen gawaarida dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, waxayna dileen illaa 5 qof halka ay dhaawaceen tiro intaas ka badan oo dhammaantood ahaa dad Shacab ah.
Tallaabada ay ciidamada Dowladda ka tirsan ee u abaabulnaa qaabka qabiil ku laayeen dadkaan shacabka ah ayaa timaaday kadib markii ay deegaanka ka dhacay dagaal qabiileed.
Lama oga tallaabada ay qaadayaan taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ciidankoodu ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoday ee deegaannada xuduudaha ee Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dadkaan Shacabka ah ee lagu laayey Deegaanka Abaaleey, waxaana soo noq noqday in qaab qabiil loo adeegsaday Ciidamada Dowladda.