Ciidamo Kenyan dheeraad ah oo ku sii jeeda Kismaayo. + Tiradooda.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Tiro Ciidamada Dalka Kenya oo wata Gaadiidka dagaalka in ay ku soo jeedaan Magaala Xeebeedka Gobolka Jubada hoose ee Kismaayo.

Goob joogayaal ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasey inta u dhaxeysa illaa Sagaal Boqol iyo Kun Askeri in ay wataan Gaadiidka Dagaalka oo Taangiyo ay ka mid yihiin.

Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo gudbeen Degmada Afmadow iyagoona ku soo jeeda Magaalada Kismaayo si ay halkaa ugu biiraan Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa gudaha Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa lagu sheegey in ay xoojin u yihiin Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa Magaalada kismaayo. Militariga Dawladda Kenya oo dabayaaqadii sanadkii hore soo galay Ciiddaa Soomaaliya ayaa muddo hal Sano kaddib waxaa dhawaan u suurta gashay in ay soo gaaraan gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo kaashanaya Ciidamada dawladda iyo kuwa Raas kaanbooni.