Ciidan ‘Nabad-Sugid ah’ oo gadood ka sameeyey Muqdisho, tallaabana qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo sheegay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta xiray mid ka mid ah wadooyinka gala Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo tiradoodu ku sheegay illaa 90 askari, balse aan tiro ahaan sidaas u muuqan, ayaa waxay sida ay sheegeen ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo saddex bilood ah, taasoo ku riixday inay xiraan wadadaan.

Ciidankan ayaa hakad geliyey dhaqdhaaaqii gaadiidka ee wadadaasi, ha yeeshee ay socdaan dadaalo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo.

Mid ka mid ah askartan ayaa sheegay in 1-dii bishii June ee sanadkan la geeyay Garoonka Diyaaraadaha ee Degmada Dayniile, ka dib markii ay tababar soo dhameysteen, hub iyo dareysna loo qaybiyay. Waxa uu sheegay mudadaasi inaanay helin wax mushaar ah.

Askarigan oo la hadlay Dalsanv ayaa tilmaamay in loo sheegay inaanan wax xuquuq ah loo haynin, laguna wargeliyay inay halkaasi isaga kala taggaan.