Shirka Muqdisho ‘laguma go’aamin karo’ waqtiga ay dhaceyso doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay xildhibaanada ku dhow madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxda federaalka maamul goboleedyada aysan shaqo ku lahayn go’aaminta waqtiga doorashada.

Xildhibaan Cabdixakiim oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid u yaalla guddiga madax-banaan ee doorashooyinka.

“In doorashada la xaddido lana caddeeyo waqtiga iyo maalinta la qabanayo waxay ka mid-tahay waajibaadka Guddiga Doorashooyinka Qaranka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdixakiim.

Waxa uu intaas ku daray “Madaxda dowladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed waxaa laga sugayaa in ay ku heshiiyaan modelka ama nooca doorasho ee la qaadanayo mar haddii aanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiis kasta oo Muqdisho lagu gaaro ay qasab tahay in la horkeeno baarlamanka.

“Wax kasta oo ka soo baxa shirka madaxda u soconaya waxaa lagama maarmaan ah in la hor keeno baarlamaanka JFS si loogu yeelo sifo sharci ama xeer lagu dhaqayo doorashoiyinka 2020/2021,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madax goboleedyada ay ku adkeysanayaan in heshiiska kasoo baxaya shirka lagu cayimo waqtiga doorashada.

Sidoo kale goor sii horreysay oo maanta ah ayaa xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka wuxuu qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ka bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan.”