Ciidan wata gaadiid dagaal oo xirtay aagga madaxtooyada PUNTLAND ee Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Puntland, halkaas oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee ku taalla gudaha magaalada Garoowe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa waddada gashay madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulkaasi, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada careysan oo dhex dagay bartamaha wadada oo ay ka galeen dhufeysyo xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa waddada ku gooyey Tekniko dagaal iyo dhagaxaan, taas oo keentay in gebi ahaan uu istaago dhaq-dhaqaaqa guud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka tirsan yihiin ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Puntland, kuwaas oo mushaaraadka ay ka maqan yihiin dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo keentay inay cabashadood asoo bandhigaan.

Arrintaan ayaa sameyn ku yeelatay shacabka iyo qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha Puntand, maadaama laga xirtay waddadii ay u mari lahaayeen mshaqada.

Saraakiisha ciidankan horkaceysay ayaa sidoo kale farriin u diray hoggaanka Puntland, waxayna ugu baaqeen inay siiyaan mushaarka ka maqan, kadibna ay furi doonaan jidka.

Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ah ay ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ay sameeyaan gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo ku sugan buuraha Golis ay kasoo baxeen fariisinkooda, iyagoo ka cabanaya mushaar la’ahaan kadibna xiray laamiga Boosaaso.