PUNTLAND oo garoonka Garoowe ku celisay ergeyga madaxweyne Xasan + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta ciidanka amaanka ee dowlad goboleedka Puntland ay is hortaag ku sameeyeen, Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh ee ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah.

Khadar oo ah wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu soo warramayaa in lagu celiyay garoonka diyaaradaha ee Generaal Maxamed Abshir, xilli uu ku soo wajahnaa dhanka gudaha magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ee garoonka ayaa la sheegay inay joojiyeen la-taliyaha madaxweynaha, kana hor istaageen inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Garoowe, taas oo buuq xoogan ka dhex dhalisay gudaha garoonka, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka lagu celiyay Khadar uu kasoo baxay dhanka madaxtooyada maamulka Puntland oo ay si weyn isugu hayaan arrinta doorashada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo uu dhacdadaan kasoo saaray la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qash-qashaadka lagu sameeyay safarkiisa.

Wiilka Faroole ayaa waxaa horay isaga saddex siyaasiyiin oo kale waaran soo qabasho ah u jaray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayada oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Arrinta ayaa waxaa mar dambe soo fara-geliyay waxgaradka Nugaal oo wadahadal ku dhameeyay xiisaddii taagneyd, kadibna soo saaray go’aano culus oo lagu heshiiyay.

Tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda Saciid Deni kala dhexeysa mucaarada weli ku sugan Garoowe, maadaama ay ciidamo ku heystaan duleedka magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada golaha deegaanka Garoowe iyo saddex degmo oo kale ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.