25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Ciidamo Xamar Jajab ku faafay iyo Banaanbax socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ciidamada hayada Nabad sugida ayaa saaka howlgalo lagu baadi goobayo dadka amni darada ka geysta  degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir ka wada degmadaasi ,iyadoo ay ku faafeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Ciidamada ayaa waxay baarayaan dhamaan guryaha ku yaala xaafadaha degmada Xamar jajab,iyagoo howlgalka bilaabay habeenimadii xalay,sida wararka aan ku helayno.

Ciidama nabad sugida oo ay wehliyaan ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa howlgalkaasi si wadajir ah usameynaya.

Dhanka kale waxaa socda diyaargarowga iyo banaanbaxyo ay dhigayaan dhamaan shacabka degmoyinka gobolka Banaadir,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ra’iisul wasaaraha dalka uu la hadlo shacabkaasi.

Barxada hooyooyinka ayaa waxaa iminka ku sugan boqolaal banaanbaxayaal ah oo watta dareeska calanka Soomaaliya laga soo sameeyay.

La soco waxyaabaha kasoo kordha Insha allah.

- Advertisement -

Read more

Local News