Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay rag DIL geystay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska degmada Matabaan, Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo loo yaqaano (Fooneeye) ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmadaasi oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegaya in gacanta laga soo dhigay labo nin oo baxsad ahaa, kuwaas oo xalay labo qof ku soo dilay deegaanka Habar-Cirir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi.

Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in raggaasi la horgeeni doono cadaaladda, islamarkaana laga qaado doono tallaabo adag.

Inta badan dilalka ka dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyon Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay heeshiis nabadeed la dhex dhigay labo beelood oo muddo ku dagaalamayey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.