Qoor Qoor oo 5 qodob kala hadlay wasiirada Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta guddoomiyey kulanka golaha wasiirada maamulkaasi oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn hoggaanka Galmudug ee garabka dowladda ayaa warbixin guud mid uga dhageystay wasiirada ka qeyb galay shirkaasi.

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka ayaa lagu faah faahiyey qodobada laga wada hadlay oo ka koobnaa illaa 5 arrimood oo kala ahaa: amniga, dhaqaalaha, arrimaha dastuurka, qorsheynta siyaasadda, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale wasaaradaha kala duwan ee maamulkaasi faray inay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Kulankaan golaha wasiirada oo ah kii ugu horreeyey ee uu guddoomiyo Qoor Qoor ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli khilaafaad uu ka jiro maamulkaasi.

Hoos ka aqriso qodobada