Ciidanka Kenya oo burburiyey Xaruntii Hormuud Dhamase Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo

Dhamase  (Caasimadda Online) – Ciidamada Kenya ayaa gebi  ahaan Burburiyey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegay in dhismaha Shirkadda Hormuud ee deegaankaasi Dhamase ay Ciidamada Kenya qarax xoogan ku xireen ayna dhulka la simeen sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Col Aadan Xirsi Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“ Waxaa Bur buray Dhismihii Isgaarsiintii dhexe ee Dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle.

Isagoo sii wata hadalkiisa Col Rufle ayaa intaas ku daray in ay go’doonsan yihiin Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo kuwaas Noloshooda ay ku tiirsaneed Isticmaalka Adeega EVC Plus-ka ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom.

Ugu dambeyn ayuu sheegay Col Aadan Xirsi Rufle in tallaabadaan ay  u muuqato in lagu soo duulay Nolosha shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Ciidamada falalkaan geysanaya aysan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM ayna yihiin Ciidamo ka soo kicitimay gudaha Kenya si ay u baabi’iyaan Hantida Umadda Soomaaliyeed sidaas daraadeed loo baahan yahay in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay Jawaab ku haboon ka bixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Horay ayey Ciidamada Kenya sidaan oo kale waxa ay u bur buriyeen Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecomay ku leedahay deegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Ciidanaka Kenya ayaan weli ka hadlin sababta ay u bartilmaameedsanayaan Isgaarsiinta Gobolka Gedo, waxayse arrintani jab ku ah shuruucda caalamiga ah maadaama ay tahay Hay’ad shibil ah oo ka shaqeysa adeeg Bulsho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com