Ciidanka Kenya waa in si deg deg ah looga saaro Somalia

Waxaa layaab noqotay in Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya oo dhawaan la hadashay dhiggeeda Soomaaliya aysan kusoo qaadin duullimaadkii Khamiistii June 4, 2021 ciidamadooda ay markale ku duqeeyeen Ceel Cadde iyo Xisa-u-Guur ee gobolka Gedo. Duullaanka aan loo meel dayin waxay ku garaaceen guryo qoysas Soomaaliyeed oo hurday oo ay ku jiraan 8 carruur ah.

Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan – Abuukar Baalle ayaa Golaha Amniga ka sheegay in shacabka Soomaalida ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen ciidamada Kenya ee AMISOM.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa lab-kiciyay in hooyo iyo ilmihii ay nuujinaysay isku kor-dhinteen. Warkaas waxaa laga  maqlay afka saygeeda Cali Axmed Sheekh oo cisbitaalka Erdogan (Digfer) la jooga afarta rajo oo u soo hartay (laba wiil iyo laba gabar) oo dhaawacan (Reuter 7/6/2021).

Dambiyo dagaal oo Joogta ah

Kenya waxay si sharcidarro ah Dalka u soo gashay 2011 iyadoo si rasmi ah AMISOM looga mideeyey February 2012. Sheegashada la dagaallanka argaggixisada ayaa shaki la’aan leh ujeeddo ka duwan midda hawlgalka AMISOM sida: (1) Inay barakiciyaan tuulooyinka dhaca xuduudda (as a buffer); (2) In xuduudda laga dhigto meel xiisad joogta ah ka taagan tahay (disputed area); iyo (3) In la qariyo gacanta daahsoon ee saraakiisheeda kula shaqeystaan kooxda Al Shabaab. 

Warbixin uu Guddiga Khubarada Arrimaha Soomaaliya uu u gudbiyay Golaha Amniga ee QM November 2019, ayay ku xaqiiqsadeen in ilaa iyo 12 siiman isgaarsiin “telecom towers” ay burburiyeen ciidamada Kenya, (APNews – 15/11/2019).

Khubarada ayaa xaqiijiyey bambooyinka lagu layo dadweynaha Soomaaliyeed inay yihiin “cluster munitions” oo mamnuuc ka ah caalamka (UN Press 15/06/2021). Hawlgallada Kenya waa dambiyo dagaal (war crimes) oo u baahan in loo gudbiyo Maxkamadda ICC.

Debshide Ma Noqon Karo Debdemiye

Dowladda Soomaaliya waxay tobankii sanadood ee tegay marar badan ugala hadashay dowladda Kenya iyo Midowga Afrika weerarrada soo noqnoqday ee aan kala sooc lahayn.

Danjiraha Abuukar ayaa ergayga Kenya Danjire Michael Kapkiai Kiboino weydiiyey haddii duqeynta cirka ee baahsan iyo burburka joogtada ah ee hantida ay tahay nabad ilaalin.

Nasiibdarro, gardarraysiga joogtada ah oo ay Kenya ku xasuuqdo dadka, duunyada, iyo hantida gaarka ah uma eka kuwa joogsan doono mustaqbalka dhaw. Joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxay su’aal gelineysaa doorka nabad ilaalinta AMISOM. Sidaas darteed, ciidamada Kenya waa inay si degdeg ah looga saaro dalka.

Gardarro Garab Og

Kenya waxay isku hallaynaysaa garabka hiilo oo ay mar waliba ka helayso Ururrada caalimiga ah (Sida UA, IGAD, iwm), quwadaha waaweyn ee addunka (sida EU, France, UK, iwm) oo badidooda dano dhaqaale ka leh (ganacsi, maalgashi iyo baaris shidaal iwm), iyo xitaa dawlado horraantii saaxiib la ahaa Soomaaliya (Sida Jabuuti, Masar, Qatar, iwm).

Haddii kale ma dhacdeen in dawladdaha lagu tirinaayo saaxibbada ay usoo jeediyaan Soomaaliya talooyin aan maangal ahayn sida inay dib uga gurato dacwada badda, waan waan la gasho amaseba la qaybsato bar iyo bar (50-50) khayreaadka ku jira badda Soomaaliya oo ay Kenya hunguriyaynayso.

Malahaa waa sababta xanniibaada hubka ka dhigtay mid joogto ah si Dalka uu u yeelan cudud militari, iyadoo aysan jirin sabab muuqata oo sidaa loo yeelo.

Kenya waxay rumeysan tahay in dhaqankeeda gurracan ay raali ka yihiin dalalka Yurub ee masruufa iyo kuwa hubka siiya AMISOM. Waxay filaysaa in dilka sharcidarrada ah ee loo geesto kuwa aan waxba galabsan iyo burburinta hantida rayidkaba aan lagula xisaabtami karin. Daaddaansigaas iyo ku xadgudubkaba ma soo noqnoqdeen haddii Dalka uu hub iyo saanad u heli laha Xoogga Dalka oo maanta diyaarka u ah.

Ilaa la helo ciidan Soomaaliyeed oo hub iyo saanadba leh waa habeenkii xalay oo tagay in dalka uu ka guuleysto argaaggaxisada; waana arrinka ka dhigayso AMISOM inay sii joogto dalka. Malaha, adduunweynaha wuxuu ka doorbidayaa inuu malaayiin doollaar ku bixiyo ciidamo shisheeye (AMISOM) intuu arki lahaa Soomaaliya xur ah oo leh cudud ay kaga hortagto argaaggaxisada.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid