Ciidanka xoogga dalka oo bur-buriyay fariisimo Al-Shabaab ku laheyd howdka

Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen duleedka degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid, kuwaas oo isku fidiyay dhulka howdka ah ee kala qaybiya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisimo ay kooxda ku lahayd halkaasi, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare culus.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in goobayha la burburiyay ay isku uruursanayeen xubnaha kooxda, isla markaana laga hortagay dhagar ay kasoo maleegayeen halkaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in howlgalladu ay guulaysteen, isla markaana ay u dhaceen sida ay qorsheeyeen, ayna sii wadi doonaan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Aagga Ruun-Nirgood ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.