Bangiga Adduunka oo wafdi culus usoo diray Muqdisho kadib dayn-cafinta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray wafdi culus oo ka socda Bangiga Adduunka.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo ay kamid yihiin wasiiru-owlaha wasaaradda maaaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Suleymaan Sh Cumar.

Wafdigaan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Ngaruko oo ah agaasimaha fulinta xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 dal oo Afrika ah, Soomaaliya-na ay ka mid tahay, ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Dr. Ngaruko iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta ganacsiga, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen ganacsatada qeybaha muhiim ka ah ee u baahan in la maalgaliyo.

Sidoo kale Dr. Floribert Ngaruko ayaa kulan gaar ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula qaatay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cigae iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada-hadlay qorshayaasha dpwladda iyo fursadaha maal-galineed ee Bangiga Adduunka uu ka fulin karo gudaha Soomaaliya, maadaama dowladdu ay ku guuleysatay hannaankii deyn cafinta.

Dhinaca kale, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Agaasimaha ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay usoo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13-ka bishaan December ee aynu ku jirno.

Mudane Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska.

Sidoo kale waxa uu xusay inay ka dawlad ahaan ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee isku filnaansho dhaqaale.

13-kii December ayaa Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa. Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaasi ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.