Muxuu yahay qorshaha saraakiisha ka socda Jabuuti iyo Itoobiya ee Muqdisho yimid?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka socota booliska dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta soo saaray Muqdisho, si ay kaga qeyb galaan 80-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan sanadkii 1943-kii.

Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray maanta duhurkii, halka taliye ku xigeenka ciidanka booliska dalka Itoobiya uu Muqdisho yimid galabta, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey saraakiil Soomaaliyeed oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Cismaan Kaniif uu horkacayo.

Saraakiisha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen ka qeyb galka munaasabadda weyn ee sanad guurada ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan berri 20-ka December.

“Maanta uma heysto in aan imid dalka kale, Soomaaliya waa dalkeyga, waxaa iigu dambeysay 1987-kii aadbaan ugu faraxsanahay soo kabashada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Dhankiisa, Taliye Xigeenka Boliiska Itoobiya Mr. Musfin Abebe Badeye oo isna warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay iskaashiga dhamaan hay’adaha Amaanka Gobolka, si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasiloonida Geeska Afrika.

Taliye Kaniif ayaa soo dhaweyntii labada Taliye ka sheegay in booliska Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii ay iskaashi buuxa ula sameysa lahaayeen booliska wadamada deriska ah oo Jabuuti iyo Kenya ay ugu horeeyaan.

“Booliska Jabuuti iyo kan Soomaaliya waa iskugu kaana mid, waqti aad u fog ayaa igu dambeysay Soomaaliya, sharaf ayey ii tahay in maanta aan Muqdisho ka soo dhaadhaco, markaan soo baxayey saraakiil badan oo ka tirsan booliska Jabuuti ayaa iga codsaday inaan Muqdisho keeno, laakiin waxaa ii saamixi weysay duruufta,” ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Taliyaha ayaa intaas ku sii daray, “Taliyaha booliska Jabuuti wuxuu sheegay in taageerada ay siinayaan Soomaaliya ay tahay abaal ay horay ugu gashay Soomaaliya dalkooda, Jabuuti idinka ayaa cagaha u taagay, abaalka dadka Soomaaliyeed ma gudi karno.”

Qorshaha ay saraakiishaan ka kala socota Jabuuti iyo Itoobiya ay Muqdisho u yimaadeen ayaa ah inay ka qeyb galaan munaasabad weyn oo berri ka dhaceysa Muqdisho, taas oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ay ugu dabaal-degayaan sanad-guuradioda 80-aad, boolisku waa hey’adda ugu faca-weyn dowladda Soomaaliya.