Ciidmaada Mareykanka uu tababaray ee Danab oo ka hadlay bixitaankooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Kumaandooska Danab ayaa ka hadlay qorshaha haatan socdo, ee ay dalka uga baxayan Ciidamada Mareykanka, ee saldhigga ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha xafiiska sii baneynaya Donald Trump ayaa ku amray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska AFRICOM in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, horaanta sanadka soo socdo ee 2021.

Ciidamada Mareykanka ayaa Garoonka Ballidoogle ku tababari jiray Ciidamada Kumaandooska Danab, iyagoona siinaayay qalab militari, si ay ugula dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo wareysi siiyay BBC, waxna laga weydiiyay in la heli karo dal kale oo buuxin kara booskii Mareykanka ayaa sheegay inaanu jirin dal lamid ah Mareykanka.

“Waxay na tuseysaa taariikhda inaanu jirin dal lamid ah Mareykanka oo caawinaad noocaas ah inta ay noo soo diraan lagu hawlgelin jiray ciidamadeena iyo kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska Ciidamada Qaranka, kaalin lamid ah ma jirtoa” ayuu yiri Taliyaha.

Mar wax laga weydiiyay in loo darsan doono Ciidamada Mareykanka iyo in kale ayaa ku jawaabay “Mustaqbalka dhow haa, laakiin mustaqbalka fog runtii waxaan aaminsanahay in arrinkan aan ka baran karnaa inaan gacan shisheeye la’isku haleyn karin, in anaga nagala rabo ummad ahaan, dowlad, dal iyo qaran ahaanba inaan iskaashano, cidina aanan isku haleynin.”

Korneyl Beeryare ayaa intaa ku daray “Marka mustaqbal fog waxaa laga yaabaa in aan ka barano casharkan in dib u dhiska ciidamadeena aan xil weyn iska saarno. Wadan shisheeye baa kuu yimid, gacan bay ku siinayaan, berrina way kaa taggayaan, tusaale fiican ayay tani noo tahay.”

Mareykanka waa dalka ugu weyn ee hawlgalada dhanka cirka ah ka fuliya Soomaaliya, iyadoo sanadkii 2019 ay dalka ka fuliyeen illaa 60 weerar, oo lagu dilay 200 oo ka mid ahaa maleeshiyada Al Shabaab iyo dad rayid ahba.

Ciidamada Mareykanka ee dalka isaga baxaya ayaa la sheegay in la kala gayn doono saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya, halkaana ay ka qaadi doonaan hawlgalada loo baahdo.