26.7 C
Mogadishu
Friday, May 16, 2025

Cirro oo ka hadlay arrimo xasaasi ah iyo aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdixmaan Cirro oo maanta baarlamaanka u jeediyay khudbadiisii ugu horreysay ee sanadlaha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee Somaliland iyo qadiyadda aqoonsiga, gaar ahaan filashadooda ah inay ku dhowaaqdo dowladda Mareykanka.

Cirro ayaa ugu horreyntii ku faanay in xukuumaddiisa ay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay la timid waxqabad muuqdo, isla markaana ay wax badan ka qabatay arrimaha gudaha, dhismaha ciidamada iyo horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in la qarameeyay ciidamadii Madaniga ahaa, hubkoodana ay la wareegay dowladda, sidoo kalena la sameynayo ciidankii Kaydka.

“Waxaanu qarameynay hubkii iyo ciidamada Madaniga ahaa, kuwaas oo maanta kusoo biiray cududa ciidamada qaranka Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha waxbarashada ayaa waxa uu yiri “Waxaan culeys saarnay in aan dajino qorshayaasi aan ku hirgalin lahayn kordhinta hablaha iskuullada gala”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xiisadaha taagan, gaar ahaan mida kala dhexeysa dowladda federaalka, wuxuuna tilmaamay inay dacwo u gudbiyeen beesha caalamka, taas oo la xiriirka booqashadii Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee Laascaanood.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku goodiyay in Somaliland ay ka hortagi doonto duulaan kasto oo uga yimaada dibadda, isla markaana ay iska difaaceyso gar-darro kasta.

“Somaliland waxay awood u leedahay inay iska difaacdo gardarro kasta” ayuuhadalkiisa sii raaciyay

Waxaa kale oo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horumar wayn uu jiro dhinaca diblomaasiyadda, ayna iskaashi la yeesheen dowladda Mareykanka oo uu tilmaamay inay ka caawin karto qadiyadda aqoonsiga.

“Waxaan xidhiidh iyo galaangal muhiim ah la yeelanay dalalka innaga kaalmeyn kara qadiyaddeenna waxaa kamid ah Mareykanka” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

- Advertisement -

Read more

Local News