Cirro: “Siilaanyo God ayuu ku riday Muusana ciidduu ku geddiyay”

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cinro oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa dhaleeceen kala dul dhacay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Siilaanyihii ka horeeyay.

Guduumiye Ciro ayaa ka careysan hadalkii shalay ka soo yeeray wasiiru dowlada arimaha dibada ee dowlada Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash kaas oo BBC-da u sheegay in Soomaaliland aysan kala heshiinin Dekada magaalada Barbara.

Waxa uu sheegay in heshiiska dowladda Imaaraadka Wasiiru Dowlaheeda uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la galeen heshiiskii Dekada Berbera uu Madaxweyne siilaanyo ku qiyaamay Qarankiisa,isla markaana uu ka dhigay in Soomaaliland  ay gashay heshiiskaas sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiyaano taas la mid ah uu galay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ee hadda Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in lagu wareejiyey dukumiintitigii ama cadeyntii heshiiskaas,isla markaana uusan cadeyn kana aamusay,waxa uuna ugu baaqay in uu is casilo oo uu xilka baneeyo.

Wuxuu kaloo yir”Dastuurka ayuu jibiyay Siilaanyo”

Sidoo kale Madaxweynaha hadda taladda haaya ee Muusa Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in uu iscasili shacabkana weydiisto Cafis.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cinro Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa ugu dambeyb ku baaqay in la qabto doorasho deg deg ah si loo bad baadiyo Soomaaliland.

C/Raxmaan Cirro ayaa sheegay in Axmed Siilaanyo uu god ku riday Somaliland islamarkaana Muuse Biixi uu ciidda ku geddiyay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa oo soo jeediyay in Maxkamad la horgeeyo Madaxwenihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com