Ciyaarta berri ee Galmudug iyo HirShabeelle oo war cusub laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada ciyaaraha HirShabeelle iyo Galmudug, saraakiisha amniga Muqdisho, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka shiray sidii ciyaarta finalka ah ee xulalka HirShabeelle iyo Galmudug ay nabad ugu qabsoomi laheed.

Shirka kadib inta badan masuuliyiinta ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo taageerayaasha labada dhinac ka codsaday inay ka fogaadaan wax kasta oo fowdo ku noqon kara ciyaarta ciyaarta berri.

“Waad xafiltami kartaan, afka waa ka bootey kartaan, laakiin ficil iyo gacan ka hadal waa ka mamnuuc ciyaaraha oo dhan, gaar ahaan ciyaarta berito ee Hirshabelle iyo Galmudug,” ayuu yiri Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cali Shiine.

Wasiirka Ciyaaraha Hirshabelle ayaa yiri, “kasoo baxa guryihiina idinkoo walaala ah baraha baaritaanada idinkoo iswalaashanaya soo gudba garoonkana fariista idinkoo labada Xul ee Hirshabelle iyo Galmudug kala taageeraya, intaas ka badan cidii sameysa qalad ayey gashay, aan ka fogaano walaalayaal wax kasta oo carqalad ku noqon kara ciyaarta berri.”

Wasiirka Ciyaaraha Galmudug ayaa isna yiri, “Taageerayaasha Galmudug waxaan leeyahay waqti hore soo xaadira Garoonka, wiliba si aan horey loo arag u soo buuxiya, hana la ilaaliyo nimdaamka garoonka oo yaan lagu xadgudbin.”

Wasiirka amniga Hirshabelle oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaas ka qeyb gashay ayaa yiri, “majirto cadownimo ka dhaxeysa Galmudug iyo Hirshabelle, waana laba maamul oo deris ah, fariimaha taageerayaasha Hirshabelle waan gudbinay shirka waan ka sheegay.”

Galmudug iyo HirShabeelle ayaa berri ciyaaraya kulan kama dambeys ah, cidii badisa ay qaadi doonta koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana horay loo soo reebay Banaadir iyo Jubbaland, halka Koonfur Galbeed ay ka carootay ciyaartaan.

Ciyaarahaan oo Muqdisho ka socday muddo labo toddobaad ah ayaa xiisahooda laga dareemay dalka, hadda waxaa la soo gaaray final ama kama dambeys, waxaana la rajeynayaa in kulanka berri uu ku soo dhamaado si nabad ah, si lamid ah kulamadii hore.