Guuleed oo Godinlabe tagay iyo Ahlu-Suna oo…

Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhawaanahaan ay ka taagneyd xiisad u dhaxeyso Galmudug iyo Ahlu sunna.

Madaxweyne Guuleed ayaa booqashadiisa magaalada Godinlabe waxaa ku wehlinayay ku xigeenkiisa, xildhibaano ka tirsan baaarlamaaanka Galmudug iyo saraakiil dhanka ciidanka oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdiga ayaa markii ay tageen deegaanka Godinlabe waxay soo dhaweyn kala kulmeen maamulka deegaanka iyo dadweyne badan oo ku sugan deegaankaasi.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa booqday fariisimaha ciidamada amaanka Galmudug ku leeyihiin deegaanka Godinlabe, waxaana uu kala hadlay adkeynta amaanka deegaanka iyo deegaanada ku xeeran.

Waa booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne Guuleed uu ku tago magaalada Godinlabe halkaasi oo xiisad ay ka taagneyd xiisada u dhaxeyso Galmudug iyo Ahu sunna Waljamaaca.

Maamulka Ahlu sunna ayaanan ka hadlin waxyaabaha ka dhalan kara booqashada Godinlabe ee Guuleed, maadaama muddooyinkaan halkaasi xiisad ay ka taagnayd.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com