DF oo ka hadashay xariga fanaaniinta Xiddigaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa cambaareeyay xariga magaalada Hargeysa loogu geystay Fanaaniinta xidiga Geeska kadib markii ay ka tageen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Qoraal uu wasiirka Qorsheynta C.raxmaan Ceynte soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ayuu ku cambaareeyay xariga fanaaniinta loogu geystay magaalada Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee maamulka Somaliland kula kacay kooxda Xiddigaha Geeska Afrika kaddib markii ay showgii ciidda ka dhigeen Muqdisho. Falkan wuxuu muujinayaa kalsooni darro, dhaqan siyaasadeed cabburis ku saleysan iyo weerar ka dhan ah fanka iyo suugaanta oo ah ubucda wali isku haysa Soomaalida. Fanku waa soohdin laawe. Xusid waxaa mudan in kooxdan ay hore show uga dhigeen Jigjiga iyo Jabuuti”ayuu yiri Mr Ceynte.

Sidoo kale maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay iney si dhaqso ah usii deeyaan fanaaniinta afarta gaaraya ee shalay lagu xiray magaalada Hargeysa.

“Maamulka Somaliland waxaa la gudboon inuu sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddooda u siiyo kooxdan.

I deplore the illegal arrest of Horn Stars after they performed in Mogadishu on eid day. This act demonstrates lack of confidence, a political culture based on oppression and an attack against Somali literature, the last surviving umbilical cord connecting the Somali people. Music is borderless”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Maalintii shalay ayay aheyd markii xubnaha maamulka Somaliland xireen afar kamid ah fanaaniinta xidiga geeska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com