26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Codeynta wareega labaad oo dhamaatay iyo cod tirinta oo socota

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goor dhaw soo gabo gabowday codeynta wareega 2-aad ee doorashada Madaxweynaha Somalia oo ay ku tartamayeen 3 Musharax.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bilaabay tirinta codadka Xildhibaanada, waxaana la filayaa in Guddiga uu soo saaro tirada Codadka ay kala heleen 3 Musharax.

Doorashada ayaa la tilmaamayaa in ay noqon doonto mid adag oo ugu dambeyn lagu kala baxi doono wareega sedexaad, walina lama ogaan karo musharaxa ku guuleesan doono.

Musharax Cumar C/rashiid oo kamid ahaa Musharaxiinta usoo gudubtay Wareega Labaad ayaa goor danbe shaaciyay inuu tanaasulay kadib markii uu noqday Musharaxa ugu codka yar marka la’eego 4 Musharax ee wareega usoo gudubtay.

La Soco Natiijadda oo dhamaystiran marka ay Guddiga ku dhawaaqaan Insha Allaah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News