Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali socda wareega 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan Seddex Musharax oo aad isugu cod dhow.
Guddiga Doorashada ayaa ku howlan tirinta Codadka Xildhibaanada waxaana ilaa iyo hadda codadka ku horeeya Musharax Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Musharax Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hogaaminaaya Codadka waxa uuna aad uga horeeya labada Musharax ee kale.
Guddigu waxay weli ku jiraan Tirinta Codadka ee Wareegga 2-aad, waxayna u muuqataa inay Wareegga 3-aad u gudbi doonaan Murashixiin ay ka mid yihiin Maxamed C/llaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed.
Doorashada Madaxweynaha Somalia ee maanta ka socta xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni, ayaa in badan ka duwan Doorashooyinkii hore, waxaana lagu wadaa in Saacado kadib ay Somalia yeelato Madaxweyne Cusub oo dalka hogaamin doona 4 sano ee soo socta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

