Congo oo war kasoo saartay ujeedka safarka FARMAAJO iyo tuhun la xiriira KENYA iyo QATAR oo soo baxay

Kinshasa (Caasimada Online) – Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa markii ugu horreysay ka hadashay safarka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegay dalkaas.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah “arrimo ku saabsan gobolka” ayaa ka duwan midka ay shaacisay Villa Somalia oo ah in safarka “uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.”

Dhinaca kale, diblomaasiyiin ku sugan gobolka ayaa laga soo xigtay in safarkan ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiiyo Kenya iyo Soomaaliya. Qatar ayaad u dooneysa heshiiskan, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.

Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa laba toddobaad kahor un, 29-kii March, waxa uu Doha kula soo kulmay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayada oo la rumeysan yahay in kulankaas loogala hadlay inuu qaato doorka dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu yahay guddoomiyaha Midowga Afrika.

Qatar iyo Congo ayaa la sheegayaa inay doonayaan in Farmaajo uu ogolaado inuu heshiis la galo Kenya, taa beddelkeena Kenya ay aqoonsato Farmaajo.

Haddii heshiiskaas la gaaro ayaa Félix Tshisekedi waxa uu kadib Midowga Afrika uga ololeyn doonaa inay aqoonsadaan Farmaajo, maadaama muddo xileedka uu ka dhacay, labadii sano ee uu ku darsaday-na ay diideen Reer Galbeedka, sida ay ku warramayaan diblomaasiyiinta laga soo xigtay xogtan.

Waan idinla soo socod siin doonnaa wixii kusoo kordha, Insha Allah.