Safiirkii Mareykanka: “Farmaajo ma rabo inay doorasho dhacdo, waa in tallaabo adag laga qaado”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa is-mari waaga arrimaha doorashada, isaga oo si xun u weeraray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Stephen oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa ugu horeyn wax laga waydiiyey sida uu u arko xaaladda ay hadda ku jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay hadda tahay mid aad qatar u ah, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuusan marnaba ku fakarin inuu qabto doorasho afartii sano ee uu xilka hayey.

“Xaaladda waa mid qatar ah oo nasiib darro xambaarsan, waxay ila tahay looma baahneyn in xaaladda sidaan noqoto, balse haddii aan fiirino sida ay aheyd xaaladda Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ee Farmaajo, waxaa jiray dhaqan joogto ah oo muujinayey inuusan rabin in la helo hanaan doorasho, lama qaadin tallaabooyinkii muhiimka u ahaa doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Stephen.

Sidoo kale Stephen ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyey inuusan waxa xiriir ah la yeelan madaxda maamul Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka qabtaan.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guul-dareystay inuu wax xiriir ah la sameysto madaxda Maamul Goboleedyada marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka ku guuleystaan, wuxuu ku fashilmay inuu wada-hadal la yeesho madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo ah kuwa khibrad leh isla markaasna heysto kalsoonoda shacabka deegaanadooda,” ayuu sii raaciyey.

Mar wax laga waydiiyey sida uu arko go’aanadii kasoo baxay beesha Caalamka ee looga soo horjeestay muddo kordhinta uu sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo jawaabtii ay ka bixisay Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay muujiso inay ka maaranto beesha Caalamka, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay wax lala yaabo maadaama Soomaaliya ay ku tiirsan tahay taageerada Beesha Caalamka.

“Labadii bilood ama seddexdii bilood ee ugu dambeysay jawaabaha Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan qoraalada Beesha Caalamka waxay ahaayeen kuwa aad u adag, waxay ila tahay inay isku dayayaan inay hadal ahaan muujiyaan awood iyagoo sheegayo inaan la qasbi karin, hase yeeshee aad ayey uga fiirsanayaan sababtoo ah beesha Caalamka ayey isku haleenayaan marka ay noqoto badbaadadooda, haddii ay ahaan laheyd kaalmada debadeed, deyn cafinta, xawaaladaha, iyo muwaaqifta ku aadan lacagaha sirta ah ee ka imaaneyso Qatar, Sidoo kale haddii ay lahaan laheyd tababarada Ciidamada Militariga oo ay siiso Turkiga, haddii ay ahaan laheyd nooc kasta oo taageero oo ay ka helaan Eritrea, dhammaan beesha Caalamka oo kala duwan ayaa caawinayo Dowladda Soomaaliya, sidaa daraateed waa wax yaab leh inaad iska dhigto inaad ka maarmi karto danahaas oo dhan iyo cadaadiska ay beesha caalamka waddo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Stephen ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaado madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu si ula kac ah uga leexday hanaankii uu ku socday dalka Soomaaliya oo aheyd in si dimoqraadi ah la isku doorto, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in Farmaajo uu dalka ku wado jid aad u xun.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo aan marnaba laga fileyn inuu hadal wax ku qaato balse Beesha Caalamka looga fadhiyo inay qaado tallaabo adag oo looga jawaabayo dhibaatada uu Farmaajo doonayo inuu u horseedo Soomaaliya.

Stephen ayaa is waydiiyey haddii ay Dowladda Mareykanka ka suurta geli karto inay aqoonsi uga raadiso safiirkeeda cusub ee Soomaaliya dowlad aan iyadaba sharci heysan, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Mareykanka inay joojiso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo kaalmada ay siiso iyadoo il gaar ah lagu fiirinayo arrimaha bini’aadanimada.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.