Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay kulanka Farmaajo iyo Felix Tshisekedi

Kinshasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa Congo ee Felix Tshisekedi.

Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno  si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna.”

Kulanka oo ka dhacay aagga Midowga Afrika ee caasimadda Kinshaasa ayaa si wada-jir ah labada mas’uul iskula qaateen muhiimad xoojinta xiriirka iskaashi labada dal iyo kor u qaadida xiriirka dalalka Afrika, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia.

Sidoo kale qoraalka ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.”

Farmaajo ayaa asaguna dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sida ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda federaalka ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta Midowga Afrika.

Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Sii-hayayaasha Wasiirada Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa xalay gaaray caasimada dalka Congo.

Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ayaduna dhankeeda markii ugu horreysay ka hadashay safarka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku tegay dalkaas.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah “arrimo ku saabsan gobolka” ayaa ka duwan mid ay hore u shaacisay Villa Somalia oo ah in safarka “uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.”

Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in safarka Farmaajo ee Congo, ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiyo Kenya iyo Soomaaliya, maadama ay Qatar saami buuran ku leedahay shirkada ENI oo haysata baarista shidaalka dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay.