Congress-ka Mareykanka oo meel-mariyey miisaniyada deyn cafinta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa meel-mariyey miisaaniyad ay ku jirto deyn-cafinta Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalkaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey Ilhaan Cumar ku sheegtay in miisaaniuyadda Aqalka Wakiilada ee lambarkeedu yahay H.R 1158 lagu xaqiijiyey deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tiri Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay.

“Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tiri Ilhaan.

“Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sanadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xiriir diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya.

“Waa in wax badan oo dheeri ah la sameeyaa marka ay noqoto adkeynta dimoqraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo xiriirka ka dhaxeeya Villa Somalia, dowlad goboleedyada iyo shacabka. Mareykanka kaalin ayuu ka qaadan karaa dhammaan arrimahan.” Ayey tiri Ilhaan.

Waxay intaas ku dartay “Deyn cafinta waa tallaabo loo qaaday jihada saxan, waxaana sii wadi doonnaa inaan ka shaqeeyo helista Soomaaliya xor ah, nabad ah, oo dimoqraadi ah oo dhammaanteen aan dooneyno inaan aragno.”

Warka kasoo baxay Ilhaan ayaa imanaya ayada oo dhowaan wargeyska Foreign Policy, uu qoray in wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, ay hilmaameen inay ku wargeliyaan Congress-ka in lacagta lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya lagu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka.

Khaladkaas ayaa u muuqday mid meesha ka saarayeyin Soomaaliya ay hesho deyn-cafin sanadka 2020, maadaama barnaamijka deyn cafinta Bankiga Adduunka iyo IMF ee HIPC uu u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura.

Si kastaba, miisaaniyaddii uu horey u ansixiyey Aqalka Wakiilada, ayaa wxaaa dib usoo celiyey aqalka Senate-ka, taasi oo Aqalka Wakiilada siisay fursad labaad oo deyn cafinta Soomaaliya loogu daro miisaaniyadda.

Bilaha hore ee sanada 2020 ayaa la filayaa in IMF iyo Bankiga Adduunka ay si rasmiga ah deynta uga cafiyaan Soomaaliya, kadib marka ay isku wada raacaan dhammaan dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Ka hor Mareykanka, dalal badan ayaa horey sidaas u ballan-qaaday.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar