Cosoble oo caddeeyey mowqifkiisa go’aankii ay maxkamadda sare ku laashay 8 kursi

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi
Cosoble ku Tilmaamay in Khalad ay tahay Go’aanka Maxkamadda Sare Dalka
ee ah in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda ee la
dhaariyay in la dhaho kuraastiina waa lagu noqonayaa, taasi oo ku
tilmaamay in ay ka hor imaaneyso dadaaladii loo soo maray dhisida
dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 8dii Xildhibaan, horey go’aan ay uga
gaareen Madasha Wadatashiga Qaran ee u Xilsaarnaa ka gudbitaanka
Xiliga kala guurka oo ahaa in sharci ay yihiin islamarkaana loo
dhaariyay in ay gutaan waajibaadka Qaran ee loo doortay, waxaana uu
carabka ku adkeeyay Madaxweynaha in sharci daro ay tahay in Go’aan
Baarlamaanka uu ka gaaray ee ah in xildhibaanadaasi ay sharci yihiin
in mar labaad maxkamadda Sare ee ka hortimaado go’aankaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullah
Cosoble Siyaad oo sii hadlay aaa sheegay in Baarlamaanka JAmhuuriyadda
Federaalka Oo Cod Aqlabiyad ah oo 180- Xildhibaan haa ay u codeysay in
Xildhibaanadani sharci yihiin islamarkaana aanan laga hor imaan Karin.

“Waxaa sharci ah Go’aanka Baarlamaanka Dalka, Marna ma ogolin mana
aqbaleyno in la khilaafo go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda, ujeedada
laga leeyahay in la abuuro khilaaf siyaasadeed misana la iska diido
go’aanka golaha shacabka qaab aan u fasirno ma naqaano” Ayuu
Hadalkiisa Sii Raaciyay Madaxweyne Cosoble.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali
Cabdullahi Cosoble oo sii hadlay ayaa ka digay in xasilooni
siyaasadeed dalka la galiyo, waxaana uu soo jeediyay in loo hogaansamo
go’aanada oo sharci ay ku fadhiyaan 8-da Xildhibaan ee Maxkamadda Sare
Muranka galisay