Xildhibaan Mahad Salaad oo si yaab leh uga hadlay sarkaalkii maanta lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta iska horimaan dhexmaray ciidamada NISA iyo Militeriga lagu dilay Sargaal ka tirsan ciidamada NISA iyo Seddex ilaalo u ahaa.

Sargaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ciise Xasan Caraale (Jiijiile), ayaa ku baxay rasaas ay rideen ilaalada Madaxtooyada Somalia qeybta ka howlgasha afafka hore ee dhismaha Tiyaatarka.

Qoraal uu Boggiisa Facebool ku daabacay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxa uu ku sheegay in dhibaatada maanta dhacday ay daliil cad u tahay Qorshe xumida Xukuumada iyo Hay’adaha amniga ee ku aadan qorshaha Sugida Amniga Magaalada Mogadishu, sida uu ku qeexay qoraalkiisa.

Xildhibaanka waxa uu arrin aad u fool-xun ku sheegay isku dhacyada ciidamada dowlada xili dowlada Federaalka laga sugaayay mideynta ciidamada iyo ka dhex abuurida wada shaqeyn.

Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu tusaale usoo qaatay Sawirka mid kamid ah ilaalada Taliyihii hore ee NISA-da Gobolka Banaadir Ciise Xasan Caraale (Jiijiile), oo ku dhintay iska hor imaadka.

Qoraalo kala duwan oo lagu daabacay baraha Bulshada ayaa sidoo kale dhaliil loogu jeediyay Xildhibaan Mahad Salaad oo isaga lagu eedeeyay inaanu ilaalin xilka uu u hayo Umadda Soomaaliyeed maada uu qoraalo aan munaasib aheyn ku dul qoray mid kamid ah Askarta halkaa ku dhintay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa looga bartay jeedinta dhaliilaha ku aadan Siyaasada, waxaase iminka muuqaneysa in Siyaasada uu ku lamaanay dhacdadii foosha xumeyd ee maanta dhacday.