27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Cosoble oo digniin culus u kala diray dadka ku nool deegaanada HirShabelle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa digniin kasoo saaray diidmada ay Shacabka deegaanada maamulka diidayaan lacagaha canshuurta.

Cosoble ayaa sheegay inay ciqaabi doonaan cidii diidaa bixinta lacagaha canshuurta, waxa uuna arrin waajiba ku sheegay in maamulka si joogta ah uu u qaado canshuurta.

Waxa uu sheegay in lacagaha canshuurta lagu dhisi doono xarumaha maamulka iyo ciidanka, waxa uuna bidhaamiyay in lacagahaasi ay si siman u bixin doonaan dadka deegaanka.

Waxa uu Cosoble sheegay in lacagaha canshuurta sidoo kale lagu bixin doono xuquuqaadka shaqaalaha u diiwaan gashan maamulka.

Waxa uu tilmaamay in ay dhacdo marwalba in dhaqaalaha canshuurta ah ee dadka laga qaado in ay kala qaataan dad qaas ah balse xiligaan wixii ka dambeeya aysan taasi dhici doonin.

Sidoo kale, Cosoble ayaa carab dhabay inay jira dad dhaliilsan Siyaasadiisa kuwaas oo qaarkood horay u sheegay in laga doonayo in uu isbedel sameeyo.

Si kastaba ha haatee, waxa uu ugu baaqay Shacabka Hir-Shabeelle in ay la Shaqeyaan Maamulkooda isla markaana ay ogaadan in ay yihiin Shacabka Hir-Shabeelle.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News