Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle ”Xaaf”, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha soo magacaabida Golaha Wasiirada maamulkiisa Galmudug.
Xaaf, ayaa sheegay in Wasiirada hadda shaqeynaaya ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Hogaamiyihii isaga ka horeeyay ee C/kariin Guuleed.
Waxa uu Xaaf tilmaamay inay ka go’an tahay inuu magacaabo Wasiiro tayo leh, balse uusan xiligaani diyaar u aheyn inuu soo dhiso Wasiiro cusub.
Sababta uu usoo dhisi la’ yahay Wasiirada cusub ayuu ku micneeyay inuu socdo wadahadal kala dhexeeya maamulka Ahlusunna, si ay kuraas ugu yeeshan Xukuumada cusub.
”Diyaar uma ihi inaan xiligaani ku dhawaaqo Wasiiro cusub waayo, waxaan dooneynaa inaan Wasiirada imaan doona ay kamid noqoto Ahlusunna oo aanu kula jirno wadahadal”
Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa xusay in mudadii uu fasaxa u haystay in uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada ay uga hartay muddo gaaban, isagoona Ahlu Sunna ugu baaqay in ay furaan albaabada ay ka xirteen, si ay wada hadalada u soo cusbooneysiiyan.
Haddalka Xaaf ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan maamulkiisa uu sheegay in si dhaqsi ah lagu soo magacaabi doono Golaha Wasiirada maamulka.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

