Xog: Maxaad kala socotaa sababta taageerada Guuleed uu u muujinayo Kheyre?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug kana tirsanaa Xubinihii ugu sareeyey xisbigii Damul Jadiid ee uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay bilaabay inuu Facebook kusoo qoro warbixino uu kaga soo horjeedo Xildhibaanada mooshinka la damacsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Guuleed ayaa taageero weyn u muujiyey Xukuumadda Xasan Cali Kheyre wuxuuna si weyn u taageeray hadalkii kasoo yeeray Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ee ahaa in lala dagaalamo xildhibaanada mooshinka ka wado dowladda cusub.

Caasimada Online ayaa heshay xog badan oo ku saabsan arrintaan iyo sababta keentay inuu Cabdikariin Xuseen Guuleed taageero deg deg ah u muujiyo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, taasoo la yaab ku noqotay dadka u dhuun duleelo siyaasadda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu qalqaalo ugu jiro sidii Cabdikariin Xuseen Guuleed looga dhigi lahaa safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga, taas ayaana sabab u noqotay inuu Guuleed muujiyo taageerada uu u hayo dowladda.

Cabdikariin ayaa doonayo inuu dago dalka Turkiga maadaama xaaladiisa Caafimaad aan looga maarmin dalka dibadiisa, wuxuuna rabaa inuu noqdo Safiirka dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya.

Illaa iyo hadda go’aan lagama gaarin in Guuleed safiirkaas la siiyo iyo in kale, hase yeeshee waxa uu sameynayaa wax kasta oo uu ku kasban karo dowladda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com