COSOBLE oo talo cajiib ah ujeediyay Sheekh SHARIIF

Walaalkeyow waxaad madaxweyne ku meel gaar ah noqotay sannadkii 2009. Waxay aheyd xilli lagu yiri gacantaada ku soo qoro 275 xubnood oo kamid noqonaya baarlamaankii jiray ee lagu soo dhisay dalka Kenya. Wey caddeyd inaad adiga ku guuleysaneysay doorashadii ka dhacday waddanka Djibouti.

Dowladaha Markeykanka, Ingriiska iyo Midowga Yurub ayaa sidaa rabay. Ka hadli maayo ujeeddadey ka lahaayeen. Doorasho ayaad gashay 2012 adigoo ahaa madaweynihii ku fadhiyay kursiga, waana lagaa guuleystay.

Doorashadii xigtay ee 2017 mar labaad ayaad tartantay markii labaadna waa lagaa guuleystay. Doorashadii xigtay ee 2022 ayaad mar saddexaad isku dayday inaad noqoto madaxweynaha Soomaaliya, mar saddexaadna waa lagaga guuleystay doorashadii. Ayadoo ay tartii kaa dhamaatay ayaad haddana rabtaa inaad mar afaraad tartan gasho.

Maxaa kula gudboon Mudane Sharif Shekh Axmad oo aan kugula talinayaa?

Waxaan kugula talinayaa inaad ugu horreyn isaga harto saaxiibbada beenta ah ee raba iney kugu shaqeystaan kaarkana kaa gubaan.

Fursaddaada wexey ku jirtaa inaad taageerto barnaamijka doorashooyinka ee ay dowladda wado, si dhab ahna u dhisto xisbigaada Himilo Qaran. Ka shaqee inaad soo saarto xildhibaanno baarlamaanka ku soo gala magaca xisbigaaga. Markaad u liidato waxaad noqoneysaa hoggaamiyaha xisbiga soo labeeya kan xukuumadda isla markaana leh saameynta ugu ballaaran.

Nasiib darro, waxaa farqaha kugu dhaggan saaxiibbo been ah oo shalayba diidanaa inaad dalka madaxweyne ka noqoto.

Waxaad qarka u fuushaa inaad fuliso barnaamijkooda ah inaad Xamar xabbad ka rido oo lagu kala cararo, taasoo la hubo iney sababi doonto iney taageerayaal badan kaala noqdaan kalsoonida, waxaana taariikhda kuu geli doonta inaad tahay ninkii labaad ee madaxweyne walaalkii ah ku qabsaday jagada madaxweynaha, halka kii koowaad uu ahaa Jen Ceydiid ee la dagaalay Madaxweyne Cali Mahdi.

Sannadka markuu ahaa 1980 waxaa madaxweynaha Mareykanka loo doortay Ronald Reagan. 1984 ayuu mar labaad tartamayay wuxuuna ahaa hogaamiyaha iyo musharraxa xisbiga Republican-ka. Aniga waxaan ahaa arday jaamacad ka dhigta kuna nool dalkaas, aad ayaana ula socday sidey wax u dhacayeen.

Xisbigii Democrat-ka intoodii ugu magaca weyneyd amaba intoodii ugu badneyd wexey ku qanacsanaayeen ninka ugu habboon inuu la tartamo Reagan inuu yahay Ted Kennedy. Taladii ayey ula tageen, balse waa uu ka diiday.

Wuxuu ku yiri Reagan waa oday, uma baahni inaan hadda la tartamo. Labaatan sano kaddib ayaan xataa u tartami karaa madaxweynaha Mareykanka. Sidaa ayuuna uga baaqsaday tartankii loo soo jeediyay.

Sheekh Sharifow weli dhallinyaro ayaad tahay, xataa labaatan sano kaddib waad u tartami kareysaa madaxweynaha Soomaaliya. Waqtigaan la joogo xisbigaaga dhiso, qeybtaada ka qaado doorashooyinka, ka shaqee inuu xisbigaaga noqdo mid nagaada, baarlamaankana ku yeesha miisaan dhab ah. Balse taladeyda waxaan ku soo koobaysa “saaxiibbada beenta ah yeysan dhiiqo lugaha kuu gelin”.

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee HirShabelle