Washington DC (Caasimada Online) – Cumar Cabdirashiid Cali Sharamaarke oo ah safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, horeyna usoo noqday ra’iisul wasaare, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Inkasta oo warbaahinta Soomaalida ay badankood warkaan baahiyeen maanta, haddana Caasimada Online waxay arrintan shaaca ka qaaday laba maalmood ka hor. Halkan ka aqri.
Ujeedada Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid ay ku xusheen Cumar Cabdirashiid ayaa ah ayaga oo aaminsan “Inuu yahay nin aan fir-ficooneyn, karti lahayn, sidii ay doonaan ka yeelan karaan, ayna ka adkaan karaan haddii la is-qabto”, waa sida ayaga ay la tahay’e.

Xubno ku dhow Cumar Cabdirashiid ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu aad uga carreysan yahay fikradda qaldan iyo liiditaanka ay ka qabaan kooxda Damu-Jadiid.
“Cumar waan weydiiyey sida uu u arko wararka laga qorayey iyo sawir gacmeedyada laga sameeyey ee ku saabsan in karti darri lagu doortay, wuxuuna isaga oo qoslaya iila hadlay si kalsooni ay ka muuqato” ayuu yiri qof aad ugu dhow Mr. Sharmaarke oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Cumar waxa ii igu yiri ‘Marka la i magacaabo, oo baarlamankuna i ansixiyo, ayay ogaan doonaan qofka aan ahay ee saddex bil ii qabao, ka hor wixii la doono ha la sheego”.
Waxaa wax lala yaabo ah, in madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisaba ay kuwii dalka hoggaamin lahaa ku xulanayaan karti darro iyo sidaa doonto ka yeelo, intii ay ku dooraan lahaayeen wax-qabad iyo waddan jaceyl.
Waxa ay tani ku tuseysaa dhagarta iyo xaqiiqda dhabta ah ee Xasan Sheekh iyo kuwa ku xeeran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

