CUMAR FILISH oo joojiyay lacag la siin jiray Iskuul ay dhigtaan dadka aragga la’

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadka araga naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ku eedeeyay in uu ka joojiyay lacag la siin jiray Iskuulka, si loo kaabo macalimiinta iyo shaqaalaha Iskuulka.

Nin kamid ah masuuliyiinta urur ay Indhoolayaasha leeyihiin oo magaciisa aan ku soo koobnay Yuusuf, ayaa Caasimada Online u sheegay in 4-tii bil ee ugu dambeysay aysan qaadan lacag dhowr kun ah oo si tabarucaad ah loo siin jiray Iskuul ku yaala magaalada Muqdisho oo si lacag la’aan dadka wax loogu baro.

“Laga soo bilaabo Taabid ilaa Marxuum Yariisow waxaan heli jirnay lacag taakuleen ah oo bil walba ah laakiin mudo dheer ma helin markii aan raadinayne waxaa nagala xirtay albaabka” ayuu yiri Yuusuf oo ka tirsan dadka araga naafada ah ee ku nool Muqdisho.

Yuusuf ayaa go’aanka lagu joojiyay bixinta lacagtaan ku tilmaamay mid ka soo baxay duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish.

“Waa amar ka soo baxay duqa caasimada ayaa nala dhahay markii aan raadinay” ayuu yiri masuulkaan la hadlay Caasimada Online.

Xiriiro aan la sameynay guddoomiyaha gobalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Hoose ayaa heli weynay si aan arintaan wax uga weydiino, mana jirto cid faah faahin ka bixisay arrintaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Agaasimihii hore ee naafada gobolka Banaadir, Basiira Cabdi oo ahayd gabar aragga la’, ayaa fulisay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka ee ay ku dhinteen Injineer Yariisow iyo mas’uulyiin kale.