Ciidamada ammaanka oo degmada Dhuusamareeb ka raadinayo nin dilay walaalkii

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kadib markii nin ka mid ah dadka deegaanka uu dilay walaalkiis oo ilmo adeer ay ahaayeen.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Raage Saalax Caraale, sida ay shabakadda wararka ee Caasimada Online u sheegeen ilo ka mid ah dadka deegaanka oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inuu baxsaday ninkii dambeeyey dhacdadaasi xanuunka badan, islamarkaana ay hadda ku raad-joogaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ee ka howlgala halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii labadaasi qof ee walaalaha ahaa uu soo kala dhex-galay muran gacan ka hadal oo sababay in midkood la dilo.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dhuusamareeb iyo hay’adaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Falkaan ayaa si aad ah ay u hadal hayaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa marxuumka iyo ninka dilka geystay.

Dhacdadan ma’ahan mid ugub ah, waxaana magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho iyo kuwa kale ka dhacay dilal noocaan oo kale ah.