James Swan: La iskama indha-tiri karo kaalinta Jubaland ee qorshaha 2020

Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay kulankii wafdi ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminayey ay maanta magaalada Kismaayo kula yeesheen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Qoraalka James Swan oo matalayey beesha caalamka ayaa lagu sheegay in kaalinta Jubaland ay hadafyada Soomaaliya ee 2020 aan la iska indha tiri karin.

“Xaaladda siyaasadeed ee Jubaland weli waa mid aan saldhigin, hase yeeshee Jubaland iyo dadkeeda waxay kaalin ku yeelan doonaan shaqada loogu guuleysanayo hadafyada Soomaaliya ee 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

“Ma dooneyn in fikradaha dadka Jubaland la iska indha-tiro” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in booqashadii maanta ay ahayd fursad si toos ah looga dhageysto saamileyda siyaasadeed ee Jubaland arrimaha kala qeybinaya iyo xalka loo heli karo, ayada oo loo marayo wada-hadallo iyo isu-tanaasul.

James Swan waxa uu intaas ku daray in haddii aan xal laga gaarin ay xalaadda Jubaland halis ku noqon karto sidii loogu guuleysan lahaa ahmiyadaha qaranka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wafdigii maanta Kismaayo tagay u caddeeyey in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho qof-iyo-cod ah, taasi oo ayideysa ra’yiga xildhibaanada, maamul goboleedyada kale, iyo inta badan shacabka Soomaaliyeed.