CC SHAKUUR: “Laba sano kadib weli ma helin cadaalad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inaysan wali cadaalad helin dhalinyaradii ilaalada u aheyd ee 17-kii bishan oo kale sanadkii 2017-kii lagu dilay weerarkii ay ciidamada dowladdu ku qaadeen xarunta Xisbiga Wadajir.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay xuska dhalinyaradaas sanad walba u dhigaan in aan la iloobin iyaga oo aan wali cadaalad helin, waxa uu sheegay in kuwii dilay ay wali dalka xukumayaan, isla markaana hal mar aysan muujin garowshiyo.

“Mida xusuusteena aan ka go’eyn waxay tahay oo aan rabno inaan dadka Soomaaliyeed ku heyno xusuustooda waa in dowlad magaceed wax lagu dilay, oo dad masaakiin ah oo guryahoodii iska jooga madaafiic lagu soo weeraro habeen barkii dadkaas waxaa lagu dilay magaca dowladda, dowladuna waa wax la isku darsaday oo naga dhexeeya marka wixii naga dhexeeyey ayaa anga nala ku dilay, dilkii markuu dhacayna dadkii la dilay cadaalad ma helin, oo hadii ay dadkaas cadaalad heli lahaayeen waan ka sabri laheyn” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Halkan ka Daawo