Xidig oo cadeeyey mowqifka is-bedel doonka Jubaland kadib la-kulankii Swan

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiir Xidig oo horay u sheegtay madaxweynaha garab la magacbaxay isbedel doonka ee Jubbaland ayaa qoraal uu soo dhigay bariita xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in shacabka reer Jubbaland muddo dheer ku soo jireen caburin, balse hadda la joogo markii ay ka bixi lahaayeen.

Waxaan leeyahay Shacabka Jubaland Mudo dheer oo aad maamulkii hore ee Jubaland kala kulmayseen cabudhin iyo caga jugleyn Waxay saacadu dul hoganeysaa xiligii aad ku naaloon lahaydeen go,aan ka gaadhista mustaqbalkiina Jubalandna ay ka dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xidig.

Cabdirashiid Xadig ayaa sidoo kale sheegay inay lagama maarmaan tahay in is bedel kla dhaco Jubbaland si ciidamadu u heleen xuquuq joogto ah ardayduna u helaan deeqaha waxbarasho oo ay helaan asaagooda.

“Waa in is bedel dhacaa si Ciidamada Jubaland ay u helaan Mushaar joogta ah oo lamida midka Ciidamada kale ee dalku qaataan, Ardayduna heli lahaayeen waxbarasho dalka Iyo dibada ah,dhalinyaradu heli lahaayeen shaqooyin iyo xirfado lamida mida asagoodu helaan”ayuu Xidig sii raaciyey qoraalkiisa.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Cabdirashiid ayaa maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu xarago mooday u dhoofidda Nairobi iyo ka dhuumashada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulkii hore ee Jubaland wuxuu xarago mooday inay Nairobi u dhuuntaan oo Muqdisho ka dhuuntaan jawaabta arintan Shacabka soomaaliyeed ayaan u daynayaa: Isbedel doonka Jubaland Waxaa deeqa Doorasho xor iyo xalaal ah oo kaliya” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyey madaxweynaha garabka is bedel doonka Jubbaland Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Hadalka Xildhibaan Xidig ayaa ku soo aadaya iyadoo uu maanta magaalada Kismaayo kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya James Swan, kaas oo ay ka wada hadleen arimaha Jubbaland iyo ay sidii loo xalin lahaa khilaafkii ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe.