CUMAR FILISH oo weerar culus ku qaaday mid ka mid ah wasaaradaha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa eedeyn culus u jeediyey Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka haysato caqabad weyn.

Cumar Filish oo maanta ka qeyb-galay munaasibad uu gobolka ku shaacinayay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay lugaha hayso heshiiskii ay kal hore ugala wareegen maamulka waxbarashada gobolka.

“Wareejintaas ficil ahaan weli umaysan dhaqan gelin, waxaan rajeynaynaa in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si ubadkeena waxbarashada ku jira horumar u gaaran.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arday badan ay dhigtaan iskuulada gobolka Banaadir, hase yeeshe ay jiraan kuwo kale oo badan oo wax-baran oo dhibaato ku haya dadka iyo dalka, oo ay tahay in wax laga qabto.

Hadalka Filish ayaa imanaya xili uu maanta maamulka gobolka Banaadir uu shaaciyey natiijada imtixaankii uu qaaday gobolka, kaasi oo uu maamulku uu wado sanadkii labaad oo xiriir ah.