Cumar Xasan Al-Bashiir oo la xiray iyo gole cusub oo la wareegay talada Sudan

Khartoum (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada dalka Sudan ee qeybaha kala duwan ee Booliska, Nabad sugidda iyo Militariga ayaa soo saaray warbixintii laga sugayey illaa saakay markii ay la wareegeen inta badan Xarumaha Dowladda ee Khartuum.

Militariga Suudaan ayaa hadda shaaca ka qaaday in xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi ka talinayay muddo 30 sanno ah, Cumar Xasan Al Bashiir.

General Ahmen Awad Ibn Auf oo ah Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in la xiray Madaxweynihii dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Wasaaradda gaashaandhigga Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah oo muddo labo sanno ah dalka sii xukumi doonto.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir la xiray isla markaana lagu heyn doono meel ammaan ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Militariga dalkaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dalka la geliyey Xaaladda deg deg ah oo socon doonto muddo 3 bil ah oo ka bilaabaneyso isla Maanta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo diray in la xiray dhammaan Koontaroolada laga soo galo dalka Suudaan haddi ay ahaan laheyd cirka iyo Dhulka.

Saakay ayey aheyd markii qeybaha kala duwan ee Ciidamada ay la wareegeen qeybo kamid ah dalka isla markaasna ay isugu imaadeen kulan uusan kasoo qeybgelin Al-Bashiir, waxana si rasmi ah ula wareegeen Idaacadda iyo Talefishinka Qaranka halkaas oo laga sheegay in lala wareegay Awoodda iyo Xukunka.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa ah weli mid kacsan, waxayna kumanaan qof weli wadaan banaanbaxyo waaweyn.

Wararka hadda soo baxayo ayaa sheegayo in banaan-baxayaasha ay ka hor imaadeyn in Militariga uu dalka sii xukumo muddo 2 Sano iyagoo ku baaqayo in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah.

Wixii kusoo kordho Xaaladda dalka Suudaan waxaad daqiiqad kasta kala socon doontaa Caasimadda Online Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
caasimada@live.com