Cabdi Weli Gaas oo cadeystay dagaalka uu kula jiro beelaha Hawiye & madaxweyne Xasan Shiikh

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ayaa si aan looga baran uga hadlay Siyaasada uu ku mucaaradsan yahay Beelaha Hawiye iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Gaas ayaa si ganbasho la’aan ah u sheegay in dagaal uu kula jiro Siyaasiyiinta Hawiye iyo Xassan Sheekh oo uu sheegay inuu si gaar ah uga soo horjeedo Siyaasadiisa.

Gaas waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye ay qodob waliba xal u raadinta Somalia ka hor ay u weecinayaan rabitaankooda haddii uusan jirin rabitaan gaar ah, ay ku carqaladeynayaan Siyaasada Somalia.

Waxa uu sheegay in Somalia ay doonayaan inay ka saaraan Siyaasada ay iminka ku jirto, balse rajo waliba kadib ay caqabad lama dhaafan ah yihiin Siyaasiyiinta Hawiye oo uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu si gaar ah u dhaliilsan yahay.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu sheegay in isaga uu yahay caqabada koowaad, waxa uuna Xassan ku tilmaamay shaqsi ay u muuqato rabitaankiisa gaarka sidaa awgeedna uu dagaal cad kula jiro si uu wax uga bedelo Siyaasada daciifka ah ee Xassan la luudayo.

“Waxaan raba inan ka digo oo an dadka u sheego niman siyaasiyin ah oo fashilmay oo baryahan idaacadaha ka hadlayay oo dadka raba inay jahwareeriyaan beena u sheegaan,waxaan raba inan u sheego shacabka inay aaminaan xaqiiqda jirta”

Madaxweyne C/wali Gaas waxa uu sheegay in Beesha Daarood ay diyaar u tahay in wax ay ka dhisto dalka, sidaa aawgeedna Beelaha Hawiye looga baahan yahay in dhankooda ay ka qaatan nidaamka socda si aan Siyaasada dalka loo rogin.

Geesta kale, Gaas waxa uu ku nuux-nuuxsaday in qorshaha uu kaga soo horjeedo Siyaasada Xassan Sheekh uusan cidna uga aaba yeeli doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com