Video: Haweenka Soomaliyeed oo canbaareeyay madaxweyne Xasan inuu iibgeeyo gabdhaha

London (Caasimada Online) Baarnaamij dheer oo ka baxay TV Royal ee magaalada London ayaa looga xaajooday wuxuushnimada madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud in uu mashruuc ka dhigto in haween Soomaaliyeed in loo iib geeyo dalka Sacuudiga.

Haweenka UK ayaa waxaa sidaa si la mid ah waxa aay u canbaareyeen Safiirka Soomaaliya dhawaantan loogu magacaabay Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa maskaxdii ka danbeysay in dumar Soomaaliyeed oo da’doodu u dhexeyso 16 ilaa 21 jir loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Heshiiskan ayaa waxaa qandaraas lagu siiyay shirkad aay leehihiin laba wiil oo uu madaxweynaha uu adeer u yahay oo lagu kala magacaabo Cabdiraxman Kampala iyo Saadaq Cabdikariin oo labadoodaba hadda aay ka mid yihiin howlwadeenada madaxtooyada JFS.

Dowladda Ugandha ayaa ugu danbeeysay oo shalay ka soo saartay wareegto in haweenka Ugandha aanay u shaqo tegi karin dalka Sacuudiga, maadaama aay badatay tacadiyada ka dhanka ah haweenka loo geeysto kufsi iyo dil. Halkan hoose ka Ka Akhriso digreetada

Haweenka Soomaaliyeed dhammaan meel walbo oo aay joogaan ayaa ka dhiidhiyay arrintan gurracan oo aan horay u soo marin siyaasadda Soomaaliya. Waxaa haweenka sheegeen in aay mudaharaadyo ka abaabuli doonaan dhammaan waddanka gudahiisa iyo dibadadiisaba si looga hor tago arrintan sharaf ka dhaca u ah haweenka Soomaaliyeed.

ugandha

Halkan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Londan
caasimada@live.com