26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

C/WELI oo go’aan ka gaaray wasiirada ku xiran XASAN (Maxaa dhici doona?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa isku shaandheyn looga gol lee yahay in la kala sifeeyo ku sameyn doono golaha wasiirada xukuumaddiisa, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Waxaa isku shaandheynta ay dhici doontaa marka uu Cabdi Weli dib ugu soo laabto dalka, oo uu soo geba gebeeyo safarkiisa.

Sida xubno isaga ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa arrintan ay qeyb ka tahay muranka ku saleysan awoodda dowladda ee u dhaxeeya Cabdi Weli iyo madaxweyne Xasan Sheekh, oo u muuqda mid kasii daraya.

Ujeedada ugu weyn ee isku-shaandheynta ayaa ah tallaabo uu Cabdi Weli kaga hortagayo mooshinka ay diyaarinayaan Damu-Jadiid ee la doonayo in xilka looga xayuubiyo.

Isku-shaadheynta, ayaa waxa ay inta badan saameyn doonto wasiirada ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh, oo kasoo horjeestay ra’iisul wasaaraha, kuwaasi oo iminka ku howlan tallaabo ay cadaadiska ugu sii badinayaan ra’iisul wasaaraha.

Sida wararka sheegayaan, wasiirada ku xiran madaxweynaha ayaa doonaya inay is-wada casilaan marka mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli uu si rasmi ah u gaaro baarlamanka, si cadaadiska loogu badiyo Cabdi Weli. Mooshinka ayaa si xooggan diyaarintiisa iminka looga wadaa hoteelada Muqdisho iyo Villa Somalia.

Arrinta murugada leh ayaa waxa ay tahay in khilaafkan hadda uu muuqdo mid faraha ka baxay, islamarkaana dalalka deriska iyo beesha caalamka ee dowladdan maamula aysan weli qaadeyn tallaabooyin ay xal ku helayan.

Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay markii uu Cabdi Weli xilka ka qaaday taliyihii nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sambaloolshe, oo ku dhowaa madaxweynaha, uguna aadanaa abti.

Madaxweynaha ayaa isna hadda wdaa aarguadasho ah inuu xilkaka qaado taliyaha booliiska Soomaaliyeed General Maxamed, oo aad ugu dhow Cabdi Weli, waxaana shaqadii dowladda federaalka ay isugu soo biyo shubatay “Nin iska dhicis”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News