Madaxweyne Xasan oo raba inuu xilka ka qaado taliyaha booliska Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa damacsan inuu xil ka qaadis ku sameeyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha imaanshihiisa ay la kawsan doonto xil ka qaadista, iyadoona ay taasi ka danbeysay kadib xifaaltan Siyaasadeed oo ka dhex curtay Madaxweynaha iyo Ra’wasaaraha Dalka C/Weli Sheekh Axmed, kadib markii xilka laga qaaday taliyaha nabad-sugidda Cabdullahi Sambaloolshe.

Waxaa sidoo kale jira sababo kale oo loo cuskanayo xil ka qaadista Taliyaha Booliska DF waxaa ka mid ah:

1- Dowladaha Midowga Yurub iyo Mareykanka oo Mudo Labo Bilood ah diiday inay bixiyaan Mushaarka Ciidanka Booliska, kadib markii Dowladda Canada ay u gudbisay in Ninkaasi dalkeeda looga haysto Dacwado ka dhan ah Bini’aadanimada.

2- Waxaa hoos u dhacay Wadashaqeynta Booliska Soomaaliya dhexdiisa ah iyo mida Caalamka intii uu Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xilka qabtay July, 2014.

3- Canada, EU & USA oo Cadaadis ku saaraya DFS inay xilka ka qaado Jen. Maxamed Sheekh Xasan, una soo gudbiso dalka Canada si Maxkamad halkaasi looga soo taago, maadaamu halkaasi ka yahay “Wanted”.

4- Ciidanka Booliska oo ka cabanaya Maamul Xumada Jen. Maxamed Sheekh Xasan.

5- RW C/wali Sheekh Axmed waxa uu Bishii lasoo dhaafay Xilka ka qaaday C/llaahi Sanbaloolshe oo ka socday dhanka madaxweynaha, si aad ahna u diidanaa Go’aankaasi, waxaana taasi bedelkeeda uu Xasan Sheekh Xilka isna ka qaadayaa Taliyaha Booliska oo dhanka RW C/wali ka yimid.

Arrinta xil ka qaadista Taliyaha ayaa la Tilmaamayaa in Madaxweyne Xassan uu kala tashanaayo Wasiirka Amniga Khaliif Ereg, Xildhibaanno iyo Saraakiil Ciidan si Xilka looga qaado Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxa’ed Sheekh Xasan, loona helo Shaqsigii lagu bedeli lahaa.

Sidoo kale, warar hoose ayaa Tibaaxayo in Arrinta xilka looga qaadayo Taliyaha ay gadaal ka riixayaan Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Faarax C/qaadir iyo Xubno kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Dam-Jadiid ee xiligaani dalka ka arimiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax, ayaa la sheegayaa in madaxweyne Xassan ay u gudbiyeen Liiska Shaqsiyaadka lagu bedelayo Taliyaha Booliska, inkasta oo aan weli la garanen..

Xil ka qaadista ayaa la filayaa inay dhici doonto goorta uu Madaxweyne Xassa Sheekh dalka dib ugu soo laabto, iyadoona xiligaani ay Madaxtooyada ka socdaan dadaaladii Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxamd Sheekh Xasan xilka looga qaadi lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com