Cabdiweli oo ka been abuurtay Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ka been abuurtay beelaha Hawiye, isaga oo sheegay inay aqbaleen aqoonsigii ay dowladda aqoonsatay maamulka saddexda gobol.

Hadal uu shalay jeediyey ayuu Cabdi Weli ku sheegayy inay ku qanciyeen dhammaan dhinacyadii diidanaa maamulkaasi inay aqbalaan go’aanka dowladda.

Hase yeeshee xubno ka tirsan beelaha Hawiye, oo ay Caasimada Online wareysatay, ayaa xaqiijiyey in go’aankii beesha ee ku aadan maamulka saddexda gobol uusan waxba iska beddelin.

“Ma naqaan dadka uu sheegayo ee uu qanciyey, hase yeeshee beesha Hawiye, weli go’aankeedu waa sidiis” ayey yiraahdeen xubnaha guddiga siyaasadda beelaha Hawiye.

Waxa ay intaas ku dareen in Cabdi Weli uu iska indha-tirayo xaqiiqda, uuna weli colaad iyo qabyaalad kusii hoggaaminayo dalka Somalia, uuna heli doono cawaaqbikeeda.

“Muxuu nagu qanciyey, ma inaan dhulkeenii ka tanaasulno, ma in dadkii Hawiye ee deganaa Shabeellaha Hoose laga maamulo Baydhaba, ma naqaan cidda uu sheegayo inuu qanciyo, balse Hawiye maaha” ayuu yiri guddiga.

Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa wixii ka dambeeyey markii uu xilka qabtay, waxaa faraha ka baxay amnigii dalka, waxaana soo cusboonaaday dagaallo qabaa’il oo isaga dhinac ka hurinayo.

Maamulka saddexda gobol ee uu sheegayo inuu aqoonsaday, waxaa sidoo kale laga diiday gobollada Bay iyo Bakool, oo maamulka lixda gobol laga taageersan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com